Nuruddin Farah interview at the Commonwealth Club of California, 2007
Suugaan by Yaasmiin Kaahiin.
The Rageh Omaar Report:From Minneapolis to Mogadishu.
Inside Story - Somaliland vs Somalia.
Daawo Hadal-kooban oo Jini Boqor Siiyey BBC-Somali Section.
Talk to Jazeera - Meles Zenawi.
Report From Somalia.
Somali Culture Festival Posters.
Waayihii Soomaaliya". Waa Buug Cusub.
SOMALI LINKS
Alhikma-Radio
Allgalgaduud
Alshahid
Aminarts
Badbaado
BBCSomali
Boocame
Calanka
CSMD
Dalka News
Dillapress
DJibouti-Centre
Garoweonline
Gedonet
Geeska-afrika
Goob-joog
Halgan
Hanoolaato
Hiiraan
Horn-Afrik
Horseed
Horyaal Software
Inside-Somalia
Jaallesiyaad
Kulanka
Laasqoray
Maankoris
Maaryaa
Magan-Tahir
Markacadeey
Minicab-london
Mogadishu-University
Mohameddiini
Nomad
NTA
Onkod
pulutin
Shabelle
SMC
Somalia24
Somalichannel
Somalieye
Somaliherald
Somalimirror
Somalistudentassociation
Somalitalk
Somaliweek
Somaliweyn
SOMTV
Somtvfilms
VOA
Wardheernews
NON SOMALI LINKS
Africafocus
Alhayat
Aljazeera
AllAfrica
Alquds
Amnesty
APA
Arabnews
Asharqul-Awsat
Daily-Nation
FPM
France24
HRW
ICG
NY-Times
Presstv
Reuters
Shabait
Sudantribune
The Gaurdian
UN
USATODAY
Walta
Washington-Post
WN
Daabacaadda lacagaha cusub iyo saamaynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha Soomaaliya – Qaybtii saddexaad. By Saciid Cali Shire
sawir
sawir

Labadii qormo ee hore waxaan wax ka iftiiminay xilliyada la daabaco lacag cusub iyo ujeeddooyinka loo daabaco. Waxaan sidoo kale ‘miisaan’ saarnay qaar ka mid ah xujooyinkii ay ku andacoodeen xubnaha ka tirsan xukuumadda dawladda ku meelgaarka ah (TFG) ee ku aaddanaa daabacaadda lacagta cusub. Waxaan iyana wax ka tilmaanay bur-burka dhaqaale, ee sicir-bararku ugu horreeyo,oo daabacaadda lacagtaasi horseedi karto. Maadaama dawladda ku meelgaarka ahi (TFG) qaadatay shareecada Islaamka, xubnona ay ka yihiin (ku jiraan labada gole ee xukuumadda iyo baarlamaanka) rag aqoon durugsan u leh diinta Islaamka laguna tuhmayo khayr fara badan, qormadan koobani waxay mawduuca daabacaadda lacagaha cusub ka eegaysaa dhinac cusub; shareecada Islaamka iyo waxay ka qabto daabacaadda lacag aan qiimeheeda la difaaci karin oo horseedaysa sicir-barar iyo bur-bur dhaqaale.


 


Ugu horayn waxaan leenahay, Islaamku waa diin dhammaystiran - waa diin buuxinaysa dhammaan baahiyaha aadamaha. Baahiyahaasi ha noqdeen kuwo qofeed ama kuwo bulsho; kuwo nafeed ama kuwo maal; siyaasad iyo dhaqaale; qaanuun iyo dhaqan; guddo iyo dibed. Waa qaab nololeed dhammaystiran oo daboolaya caqiidada iyo mucaammalaadka; shuruucda iyo nidaamka; waa qaab dhaqan iyo ilbaxnimo; waxay leedahay nidaam maaliyadeed iyo mid ganacsi oo gooni u ah; nidaam siyaasadeed iyo mid dawladnimo oo u gaar ah. Maadaama nidaamka maaliyadeed ee Islaamku qayb ka yahay shareecada Islaamka, shareecada Islaamkuna tahay nidaam dhammaystiran oo buuxinaya wax kasta oo nolosha ka mid ah, sida kaliya ee nidaamkaasi si fiican ugu shaqayn karo waa in la hirgeliyo shareecada Islaamka oo dhammaystiran.


 


Dhaqangelinta shareecada Islaamkuna waxay dan ugu jirtaa xukuumadda; waxay dan ugu jirtaa shacabka; waxay dan ugu jirtaa ganacsatada; waxay dan ugu jirtaa degaanka. Shareecadu waa caddaalad. Caddaaladduna waxay ka mid tahay waxyaabaha darteed Eede (SW) anbiyada u soo diray. Qur’aanku, caddaalada wuxuu kala mid dhigaa taqwada (alle ka cabsiga). Taqwaduna waa meesha ay ka soo dhambalmaan waxa wanaagsan oo dhammi. Rasuulku (SCW) si aad ah ayuu uga digay caddaalad darrida, wuxuuna kala mid dhigay mugdi. Caddaalad darridu waxay dhaawacdaa walaaltinnimada; waxay horseedaa colaad, shaki iyo naceyb; sidaas aawadeed, waxa kaliya ee laga dhaxlaa waa fadeexad iyo foolxumo adduun iyo aakhiro labadaba.


 


Dhammaan culimadii soo martay dunida Islaamku waxay ka sinaayeen in caddaaladu ka mid tahay tiirarka ugu horeeya ee shareecada Islaamka. Tusaale ahaan, Abu Yusuf dhanbaalkii uu u diray Haaruun al-Rashiid, khaliifadii Islaamka, isagoo sharaxaya ahmiyadda caddaalada wuxuu yiri ‘caddaalad darrida oo la tir-tiro waxay sare u qaadaa dakhliga dawlada, dedejisaa horumarka, barakaysaana wax kasta’. Al-Mawardi wuxuu ku tegey in caddaaladdu shacabka dhex dhigto kalgacal, ka dhigto kuwo  u hoggaansan sharciga, dedejiso horumarka, barakayso dhaqaalaha, sarena u qaadaa nabadgeliyada iyo amniga. Sidoo kale, waxaa laga hayaa in uu yiri, ‘ma jiro wax uga fasahaad badan aduunka iyo dadkaba caddaalad darida’.


 


Ibn Taymiyah, agtiisa caddaaladu waxay lahayd micne ballaaran. Wuxuu oran jiray ‘wax kasta oo fiican caddaalad ayaa qayb ka ah, wax kasta oo xunna caddaalad darro’. Sidaas aawadeed, wuxuu ku tegey in caddaalad darradu mar kasta iyo nooc kasta oo ay tahayba xaaraan tahay. Xikmadaha uu inooka tegeyna waxaa ka mid ahaa in ‘Eebe (SW) ilaaliyo dawlad caddaalad ah, xataa haddaysan muslim ahayn, laakiin Eebe (SW) uusan ilaalin dawlad aan caddaalad ahayn, xataa haday tahay Islaam’. Wuxuu oran jiray ‘adduunku waa qaadi karaa caddaalad iyo gaalnimo, laakiin ma qaadi karo caddaalad daro iyo Islaam’.


 


Ibn Khalduun wuxuu isna ku tegey in aysan sina macquul u ahayn in waddan wax horumar ah ku tallaabsado caddaalad la’aan’. Wuxuu oran jiray, caddaalad daridu waa derbiga ugu weyn ee horistaaga horumarka. Sidoo kale, waa waxa soo dedejiya bur-burka waddammada’.


 


Caddaaladdu waa furaha nolosha, waa tiir dhexeedka amniga, waa dhabbaha horumarka. Sidaas aawadeed, waxaad arkaysaa in himilooyinka dhaqaalaha islaamka ay ugu horayso caddaaladdu. Nidaamka caddaaladda ku salaysani waa mid daboola baahida mujtamaca; ka fududeeya faqriga; sare u qaada tayada nolosha; horseedana horumar isu dheelitiran. Si loo dhiso nidaam ku salaysan caddaalad, waa in la soo bandhigo, lana hirgeliyo siyaasad dhaqaale oo horseedda degganaansho dhaqaale. Degganansho dhaqaalena ma yimaado ilaa la abuuro siyaasad dhaqaale iyo maaliyadeed. Siyaasad dhaqaale iyo maaliyadeedna ma imaan karaan ilaa la helo dadkii saxda ahaa ee dejin lahaa, hirgelinteedana hormuud ka noqon lahaa.


 


Haddaba, haddaan wax yar dib ugu noqono xiriirka ka dhexeeya daabacaadda lacagaha cusub iyo sicir-bararka, iyo saamaynta sicir-bararku ku leeyahay mujtamaca, waxaan leennahay, sicir-bararku laba jeerba waa yimaadaa: haddii la badiyo baaxadda lacagta (quantity of money) iyo haddii ay yaraato badeecadda suuqa taalla (supply of goods).


 


Daabacaadda lacagta cusubi dhowr jeerba way badinaysaa lacagta suuqa dhex yaacaysa: (1) haddii la daabaco lacag qiimeheedu yahay So.Sh. 20,000, 50,000, 100,000, iwm,  sidaan hore u sheegnay, waxaa hoos u dhacaya kharashka daabacaadda, dabadeedna waxaa middiyoohoodii mar labaad xarshinta kala soo baxaya ganacsatadii, dagaal oogayaashii iyo bahalladii dadka dhiiga ka miiran jiray; (2) maadaama aan la hayn tirakoob cad oo la xiriira caddada lacagta suuqa taalla oo la beddelayo, waddanka oo dhammi uusan gacanta ugu jirin dawladda ku meelgaarka ah, uusanna jirin nidaam qeexan iyo hawl-wadeeno midkoodna, waxay noqonaysaa in wixii lacag u egba la beddelo. Haddii ay noqoto in waxkasta la beddelona, qof kasta mashiinka uu warqadaha ku daabacdo (printer) ayuu inta khad ka buuxsado warqado daabac bilaabayaa (ileen ma jirto tayo lacag la isla yaqaan oo leh calaamado iyo lambaro midkoodna).


 


Lacagtaas aan qiimaha ku fadhiyin oo sida carro-maanyadii iska soo daba dhacaysa waxay keenaysaa in badeecadihii suuqa yaallay, oo awalba ciriiri ahaa, ay mar labaad cirka isku shareeraan. Haddii sicir-barar ba’an (hyperinflation) yimaado, mushahaarka dadka masaakiinta ah la siiyo, sida shaqaalaha dawladda, aan wax laga beddelin, kan beerta yar leh aan loo helin qalab ama loo ballaarin dhulkiisa, kan baadiyaha jooga aan loo helin wax noloshooda kaba, kan miskiinka ah ee magalada jooga aan loo samayn meelo ay ka helaan cuntooyin jaban, bal joogey! dadku maxay ku noolaan? Sidaan sare ku soo sharaxnay, miyaysan arrintaasi noqonayn albaabkii caddaalad darrida oo la ballaqay! Miyaysanna sii hurinayn masiibooyinkii hore dhulkeenna u hareeyey. Yaa qaadaya mas’uulliyadaas Eebe hortiis!


 


Dhinaca kale, sida fuqahada Islaamku soo guuriyaan (tusaale ahaan, Chapra 1992), sida qofka Islamka ah looga rabo in uu raadiyo kasab xalaal ah, kuna bixiyo waddo xalaal ah, ayaa dawladda Islaamka ahna waxaa looga rabaa in ay dakhligeeda ka kasbato waddooyin xalaal ah, kuna bixiso waddooyin xalaal ah. Daabacaadda lacag aan qiimeheeda la ilaalin karin, horseedaysa sicir-barar, albaabada u furaysa caddaalad darro iyo bur-bur ku yimaada mujtamacu waa mid ka hor imaanaysa ahdaafta nidaamka maaliyadeed ee Islaamka. 


 


Idanka Eebe, qormada danbe waxaan wax ka iftiimin doonnaa cawaaqib-xumada siyaasadeed iyo mujtamac ee daabacaadda lacagta cusubi dhabarka ku wadato iyo waddooyinka u furan maammullada ka baxsan dawladda ku meelgaarka ah.


Saciid Cali Shire


Buuh Consulting LTD


 


 


Email : - [2010-02-24]
The views expressed in this article is the sole responsibility of the author and do not necessarily reflect the view of Mahiigaan.
Email : Mahiigaan82@gmail.com
Copy right © Mahiigaan News Online 2007- 2010 powered by Horyaal Software Solutions