|
Midda kale, codka Ameerika (VOA), wuxuu ka xushay waraysiyadii uu qaaday, ereyo uu dan gaara ka lahaa, isagoo siinaya ilbiriqsiyo ama hadday u badato daqiiqad iyo wax aan ka badnayn la wareystayaasha, siiba masuuliintii maamulka Kacaanka ka tirsanaan jirey SRC intuu ka waraystay. Hawlihii horumarineed uu qabtay maamulkii Kacaanku , wuxuu ka xusay qoriddii af soomaaliga keliya. Kacaankii oo dhan wuxuu ka soo saaray, bog dhalliil keliya ah, ma xusin horumarkii laga gaarey xagga waxbarashada iyo fidinta aqoonta, dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo kuwa kale badan.
Tan kale, u samaynta af soomaaliga far lagu qoro, waxay la heer joogtaa heliddii madaxbanaanida siyaasadeed. Waxaan jeclahay inaan halkan ku xuso inayan ila habboonayn, in aqoonleyda soomaaliyeed qorayaasha ah, ay afaf shisheeye aan soomaalida inteeda badani aqoon kutub iyo maqaallo ku qoraan. Waxaan mararka qaarkood isweydiiyaa, hadday shisheeye inuu akhristo u qorayaan kutubtooda. Beri sii horreyey, ayaa Idaacada BBC weydiisey, qoraaga caanka ah soomaaliyeed Nuruddin Farah, af Ingiriiska ku qora bugaagtiisa, hadduu shisheeyaha u qoro kutubtiisa. Qoraagu BBC-da wuxuu siiyey jawaab dhibsasho ku dheehnayd ahayd, ‘xataa haddaan af soomaali ku qoro, qofkaan haysan furaha qaabkaan wax u qoro, ma fahmayo kutubtayda iyo qaab qoraalkayga midna‘, runta kama fileyn qoraaga jawaab eynigaas ah. Midda kale, walaalayaal soomaaliyeey waa inaan isweydiinaa, codka Ameerika (VOA) ahal maw yahay, inuu xus afartan (40) guuro u samayo, Kacaankii Soomaaliya ka dhashay 21kii Oktoobar 1969kii, iyadoo dalka lihi waa Ameerikee, maamulkii Kacaanka la dirirayey min markuu dhashay 21 Oktoobar 1969kii, ilaa uu ka hawlgabay 26 Jennaayo 1991kii.
Waxaa weriye Haaruun Macruuf ku tilmaamay, dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ‘hurgun siyaasadeed, ilaa maanta la maarayn kari waayey‘. Xaaladda maanta Soomaaliya marayso, la wada ogyahay xasaasinimadeeda, Cabdulqaadir Aadan Cabdulle ku tilmaamay ereyga usluubsan ee kala daadsanaanta, anse aan leeyahay inay ku jirto soomaalidu, dagaal sokeeye aad u ba’an, aan hore u soo marin abidkeed, firir weyn aad u qodan dhaxalsiiyey. Ka gaabsadeen reer Aadan Cabdulle inay u soo bandhigaan soomaalida, xusuus qorradii Oday Aadan Cabdulle. In lagu dhex baahiyo soomaalida, xog dhacdooyin taariikheed xasaas ah la dhalan rogey, si weyn loo xumeyey. Loo nisbeyey inay ka tarjumayaan Kacaankii 21kii Oktoobar 1969kii ka dhashay Soomaaliya.
Waraysiga kale ku saabsan dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharma’arke, aan kor ku xusay, uu weriyaha codka Ameerika (VOA) laftiisu Haaruun Macruuf ku tilmaamay, ‘hurgun siyaasadeed ilaa maanta la maarayn kari waayey‘, lagu beegay isku waqti waraysiyada Kacaanka lagaga hadlay. Soomaaliyeey waxaa waraysiyadaas idilkood muraadkoodu ahaa yahayna, in dagaalka sokeeye soomaalida ka dhex oogan iyo dabka ka dhex huraya baansiin lagu shubo, sii ololiya dabkaas, la fashiliyo heshiisiinta Soomaaliya ka socota iyo in la wiiqo maamulka ku meel gaarka ah, madaxweyne Shariif Shiikh Axmed madaxda ka yahay. Waraysiyada kor ku xusani waxay ka mid yihiin istarateejiyad qarniya badan soo taxnayd, Soomaaliya lagula dagaallamayo, tabtan cusub lagu toosiyey marxaladda nugul Soomaaliya markan marayso. Ay adeegsadaan halhayska ah,`qasnaanta wax dhista‘, amaba walaaqidda wax dhista‘, dalalka isbiday ku dadaalaya, inay dunida u taliyaan.
Nin qurba joogta soomaalida ka mida, ilaa xad xog ogaal u ah arrimaha Soomaaliya, baan iska waraysanay xaaladda dalka, wuxuu ninkaasi yidhi soomaaliyi wadanka uma taliso ee dad kalaa xukuma. Nin kale aan sheekaaysi leenahay, ka tirsan barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya, wuxuu igu yidhi, in wasiiradii Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhigga, lagu beddeley tilmaan dalal shisheeye. Maxaa wacay, siiba wasiirkii G/dhigga Prof. Gandi, wuxuu wadey inay sugidda nabadgelyada Soomaaliya, hoggaamiyaan saraakiishi Xooggii Dalka qaar ka mida, taasna ma rabaan dalalka shisheeye Soomaaliya faraha kula jira. Kolka soomaaliyeey ka taxadara si weyn uga digtoonaada, debinada iyo khiyaamooyinka dahsoon dhagarta ah, wajiyada badan kala duwan leh, shisheeyuhu idiin dhigayo iyo talooyinka laydinku dirqinayo danaha fog shisheeyuhu ka leeyahay. Intaas ka dib waxaan jeclahay inaan xog yar ku biiriyo, qodob ay xuseen mudanayaal, Maxamed Cali Samantar iyo Axmed Suleymaan Cabdalla kolkii la waraysanayey. Madaxweyne ku xigeenkii, wasiirkii Gaashaandhigga hore Soomaaliya S/Guud Maxamed Cali Samantar, ayaa booqasho hawleed ku tegey gobollada Woqooyi Galbeed Soomaaliya, horraantii bishii Feberaayo 1978kii. Isagoo wasiirku ku guda jira kormeerkiisi, aminkaas joogey magaalada Hargeysa. ammaanduulihii Xoogga Dalka Maxamuud Geelle Yuusuf, uga sii horreyey Hargeysa, in muddo ah sii joogey, iyadoo barta hore hoggaaminta Wasiirka Gaashaandhigga ee aagga dagaalka ay ku tiil magaaladaas. Waxaa isla waqtigaas booqasho ku tegey magaalada Hargeysa, bartamihii bishii feberaayo 1978kii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Madaxweyne Siyaad, wuxuu kula shiray wasiir Samantar, gurigii dawlada Hargeysa ku yiil, aniga Maxamuud Geelle Yuusuf ah goob joog baan u ahaa kulankaas. Madaxweyne Siyaad wuxuu wasiir Samantar u sheegay, inuu rabo inuu banneeyo masuuliyada uu dalka u hayo, wuxuuna sabab uga dhigay madaxweynuhu hawl ka fadhiisiga, intuu jaalle Samantar u sheegay weriyihii waraystay. Wasiirkii Gaashaandhiggu ma garawsan fikraddii madaxweynaha shaqa ka tegidda ahayd. Wasiir Samantar wuxuu si usluubsan uga codsaday madaxweyne Siyaad, inuu ka tanaasulo ka noqdo fikraddaas. Wuxuuna ku sababeyey diiddadiisa shaqa ka tegidda madaxweynaha, intuu u sheegay weriye Haaruun Macruuf kolkuu waraysanayey. Waraysiyadii loo nisbeyey 40 guradii Kacaanka, danta laga lahaa aan kor ku xusay aan intaas ku daayo.
Waxaan halkan ku xusayaa nabarka xanuunka badan iyo xasuuqa loo geystey aqoonleyda u adeegeysey ummadda soomaaliyeed, ka dhacay hotel Shamow 03/12/2009ka. Waxaa lagu laayey goobtaas, arday ka qalinjebineysey kulliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir ku taal Mogadisho, taqtarro noqon lahaa soomaalida tabaalaysan daaweyn lahaa. Waxaa iayana la laayey macallimiintoodii taqtarrada ahaa, mar ardayda wax barayey, marna cusbitaallada Xamar ka shaqaynayey bulshada ku nool daaweynayey daryeelayey.
Waxaa hoteelkaas lagu laayey wasiiradii xukuumada Soomaaliya ka tirsanaa, ku hawllanaa horumarinta bulshada soomaaliyeed idilkood, wasiiradii hidaha iyo tacliinta sare, waxbarashada iyo barbaarinta iyo kii caafimaadka. Waxaa lagu laayey goobtaas, eheladii iyo asxaabtii qalin jebintaas ka qaybgashay. Dadka la laayey ama kuwa dhaawacyada halista ah loo geystey, sida wasiirka sportiga iyo cayaaraha weli miyir la’aanta ku jira (koomada) waa intii hormuudka u ahayd ku hawllanayd, horumarinta bulshada soomaaliyeed. Jiha kasta ka dambeysa xasuuqaas, waa mid aan nolol iyo jiritaan midna u rabin ummadda soomaaliyeed, isir dabargoyn ku haysa.
Marka soomaaliyeey waa laydin dilayaa, laydin dabargoynayaa ee isdaafaca, isku duubma idilkiin oo isdaafaca, dal ku nool iyo dibed joog mid kasta ahaadee. Aminkana waxaan jeclahay inaan wax ka idhahdo madaxweyne mudane Maxamed Siyaad Barre. Mararka qaarkood aan maqlo, dad dhalliil ka daba tuuraya, marxuumkaas mootan shan iyo toban (15) sano ku dhowaadka, iyadoo aan isleeyahay waxaa ankirayaa wuxuu dadka iyo dalka u soo qabtay.
MADAXWEYNE MAXAMED SIYAAD BARRE.
Maxamed Siyaad, wuxuu ku dhashay gobolka Gedo 1917kii, wuxuu ku geeryoodey dalka Niijeeriya magaaladiisa Laagos Allaha u naxariistee, 2-dii Jennaayo 1995kii, dalka Soomaaliya ayaa meedkiisi la geeyey, waxaa lagu aasay gobolka Gedo magaala madaxdiisa Garba-Haarrey sida la sheegay. Waxaa la weriyey, inuu ka mid ahaa ciidankii Talyaanigu ka qortay gobollada Konfureed Soomaaliya uu gumeysan jirey 1935kii, waxaa kale la sheegay inuu ka qaybgalay, dagaalkii Talyaanigu ku qaaday ku qabsaday Itoobiya 1936kii. Dagaalkaas wuu ku dhaawacmay sida la sheegay Maxamed Siyaad. Waxaa helay qoys soomaali ah baantay, hayey ilaa uu ka bogsadey dhaawicii.
Jaalle Siyaad muddo badan ku dhow konton iyo lix (56) sano buu dalka iyo dadka u soo shaqaynayey, marxalado iyo duruufa kala duwan isagoo marayey wadanku. Kolkii ciidanka Ingiriisku Soomaaliya maamulayey 1941-1950kii wada haystey dhulka soomaalida, kobta Jabuuti ku taal mooyee, wuxuu ka mid noqday booliiskii soomaalida, maamulkii militeriga Ingiriisku ka qoray Soomaaliya. Aminkii Talyaaniga qaab xorriyad gaarsiineed Koonfurta Soomaaliya Qaramada Midoobey ugu dhiibeen 1950kii, Jaalle Siyaad wuxuu ka mid noqday booliiskii Soomaaliya gobanima gaarsiinta iyo nabadgelyada dalka ka shaqaynayey. 1952kii ayaa waxbarasho layli sarkaal ahaan loogu diray dalka Talyaaniga, isagoo sitey aminkaas derejada ugu sarraysey saraakiil xigeenka ahayd saddex xarigle, soomaalida aan dereja ka sarraysa la siin jirin. 1954kii buu jaalle Siyaad Soomaaliya ku laabtay isagoo sarkaal ah. Markii la gaarey 1960kii Soomaaliya madaxbanaanaatay, waxaa la dhisay Xooggii Dalka Soomaaliyeed 12kii Abriil 1960kii. Waxaa ciidankii taliye loogu magacaabay Daauud Cadulle Xirsi, waxaa isla markaas ammaanduule looga dhigay Maxamed Siyaad Barre waa Xooggii Dalkee. Madaxweyne Siyaad waxaan anigu bartay 1960kii, isagoo booqasho noogu yimi dalka talyaaniga, anagoo ahayn saddex arday, Muuse Xasan Shiikh Cabdulle, Maxamuud Muuse Xirsi Boqor iyo Maxamuud Geelle Yuusuf, Itaalya u joogney waxbarasho ciidameed, isagoo eeggaas ahaa ammaanduulaha Xooggii Dalka Soomaaliyeed.
Ammaanduule Siyaad wuxuu nagu waaniyey si weyn noogu adkeeyey, hadal macnihiisu ahaa, inaan waxbarashada ku dadaallo iyo in dalku na sugayey, khaas ahaan Xooggii Dalka aan wax u baraneyney, inaan saraakiishiisa ka mid noqonno. Kolkuu geeryoodey taliyihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed Allaha u naxariistee, jeneraal Daauud Cabdulle horraantii 1965kii, waxaa taliye loogu magacaabay, Xooggii Dalka Soomaaliya, jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Taliyihii cusbaa ee Xoogga iyo saraakiishi la shaqayneysey, waxay gaarsiiyeen aqoon iyo tababar ciidameed heer aad u sareya ah XD, soomaalidu ku dhaadan jirtey, aduunkana laga tixgelin jirey, siiba Afrikada Madow. Sidaan kor ku xusay, markii la diley madaxweynihii Qaranka soomaaliyeed 15 Oktoobar 1969kii, Cabdirashiid Cali Sharma’arke dalku khalkhal iyo halis galay, doorasho madaxweyne cusub barlamaankii ku heshiin waayey. Baa saraakiil wadaniyiina jeneraal Maxamed Siyaad horkacayey isagoo fikrada lahaa, qorshaynta, abaabulka iyo hawlgalkii lagu fuliyey Kacaanka hoggaaminayey waa Maxamed Siyaade. Ay saraakiisha sare ku sheeggani isxilqaameen isu taageen si ay dadkooda iyo dalkooda u samatabixiyaan, Kacaan aan dhiig ku daadan dhaliyeen, xukunkii wadanka la wareegeen 21 Oktoobar 1969kii.
Maxamed Siyaad maamulkii Kacaanka uu hoggaaminayey, waxaa labaatansan (20) sano la dirirayey labadii bahoode dunida hagayey tii hantiwadagga, Soomaaliya ku qaadday dagaal ciidameed toos ah dabayaaqadii 1977kii, iyadoo Itoobiya la jirtey ka taageereysey dhan kasta iyo tii hantigoosiga ku wadey Soomaaliya dagaal siyaasadeed, dibolomaasiyadeed iyo mid dhaqaale. Waxaa kala hoggaaminayey, Midowgii Sofiyetka iyo dalka Maraykanka, waa beelaha kor ku tilmaaman Soomaaliya la dagaallamayeye. Waxaad oran karaa, Midowgii Sofiyetka iyo Soomaaliya saaxiib bayba ahaayeene. Ciddii sidaas qabta, waxaan u sheegayaa in ummad kasta dan gaar u ah joogta ah leeyahay, saaxiib joogta ah ayan lahayn , siduu hore u yidhi siyaasigii Ingiriiska ahaa Winston Churchill, ‘British waxay leedahay dan joogta ah, saaxiib joogta ah malaha‘. Sidaas darteed, dantaan lahayn haddaan soomaali nahay, baa kaaya iska horkeentay Midowgii Sofiyeedka. Waxaan isaga hornimi, diinta Islaamka iyo dalalka soomaaliyeed maqan xorayntooda, ay labadaba diidanayd dawladii Sofiyeetku, mabda’iyan Soomaaliya lama taabtaan u ahaa. Midowgii Sofiyetku wuxuu damcay, si weyn isugu deyey in Soomaaliya dabadhilif u noqoto. Maamulkii Kacaanka madaxweyne Siyaad hoggaaminayey, waa diidey inuu dabajoog u noqdo dal shisheeye, dagaal kulul hoose aan dadyowga dibedda u muuqan ayaa labada dal ka dhexeeyey. Runtaas waxaa ka maragfuraya, markii Soomaaliya iyo Itoobiya dirireen 1977-1978kii, waxay si buuxda ula safteen ula dagaal galeen, isaga iyo bahduu hoggaaminayey waa Midowgii Sofiyeede dalka Itoobiya. Warbixin qiimayneed ay ka qortay madaxweyne mudane Maxmed Siyaad, beeshii hantiwadaaggu dabayaaqidii 1977kii, waxay ku tilmaantay ‘wadani xagjir ah‘ aan hantiwadaag noqon karin, ‘nasyonaliista shofiniista ah‘. Madaxweyne Maxamed Siyaad, waxaan aqiin muddo soddon (30) sano ka badan, waxaana ku bartay ‘masuul dul qaad badan leh, dadka dhegeysta la sheekaysta, la dooda marka loo baahdo, madax iyo dadweyneba, aad daacad ugu ah dadkiisa iyo dalkiisa, si aada u hufan, hawlkar ma daale ah. Madaxweyne Maxamed Siyaad iyo maamulkii Kacaanka uu hoggaaminayey, horumarkay dadka iyo dalka gaarsiiyeen dhinac kasta lahaa ka sokow. Waxaa ku jirey siyaasadii gudaha iyo tii dibedda ee Kacaanka, qodobbo muhiim iyo istarateeji u ahaa siyaasada Soomaaliya, ay ishordhigtay hoggaamintii Kacaanku. Khaas ahaan laba arrimood kala ahaa: 1) qoridda af soomaaliga iyo 2) xoraynta qaybihii dhulka Soomaaliya weli gumeysiga ku hoos jirey.
Kolkaan soo qaato qodobka afraad IV siyaasaddii gudaha ee Kacaanka wuxuu u qornaa sidatan : ‘To constitute, with appropriate and adequate misures the basic development of the writing of the somali language‘. Qodobada I, II, III, siyaasada dibedda ee Kacaanka, waxay uga hadlayeen si toos ah ama si dadban, xoraynta dhulalka soomaaliyeed la gumeysanayey, sidatan ayeyna u qoranaayeen: 1) ‘Support for international solidarity and national liberation movements; 2) Oppose and fight against all forms of colonialism and neo-colonialism ; 3) To struggle to maintain the somali national unity‘ .
Kacaankii 21 Oktoobar 1969kii, waa fuliyey labadii qodob istarateejiga u ahaa, aan sare ku tilmaamay. Qodobka qoridda af soomaaliga, waxaa Golihii Sare Kacaanka (SRC) iyo kii Wasiirrada wada jiraa go’aamiyeen 21 Oktoobar 1972kii, in af soomaaliga lagu qoro xuruufta eegga loo adeegsado, iyadoo la fulinayo qodobkii IV siyaasadii gudaha ee Kacaanka. Go’aankaasi wuxuu u dhaaftay soomaalida dhaxal waara, aan ka duugoobeyn abidkeed. Ka xoreyey in af shisheeye maamulkeedu adeegsado, gaarsiiyey in far ay iyadu iska leedahay afkeeda ku qorato. Intaas waxaa ka yaab badnaa, in saddex bilood keliya gudohood , lagu baray idil dadkii maamulka dawlada ka shaqaynayey. Isla saddexdaas bilood, maamulkii dawlada dhammaantiis laga dhaqan geliyey af soomaaligii. Taasi waa arrintay aad ula yaabeen khubarada far u samaynta afafka, ku tilmaameen dhacdo ugub ku ah aduunka. Qoridda af soomaaliga, waxay ahayd xoraynta maskaxda, ruuxa wadaniya, adkaynta xiriirka isirka soomaaliyeed, hidaha iyo dhaqanka qof kasta soomaali ah, meel kastuu dunida kaga noolyahay. Qodabkii labaad (2) ahaa xoraynta dhulka soomaaliyeed, dalalka shisheeye gumeysanayeen. Jabuuti waxay xorowdey 1977kii, ay iska kicisay shisheeyihii gumeysanayey. Soomaali Galbeed waa laga saaray cidamadii Itoobiya iyadana, markii la xorayey Harar iyo Dirir-Dabe horraantii 1978kii, ayaa waxaa dagaalkii toos u soo galay ula saftay Itoobiya, Midowgii Sofiyeedka iyo gaashaan-buurtuu horkacayey ee Hantiwadaagga ahayd. Markaasna Soomaaliya way kala baxday ciidamadeedii Soomaali Galbeed, maa daama ayan dagaal ugu babac dhigi kareyn bahdii Hantiwadaagga.
Dhanka kale, Jaalle Siyaad wuxuu hoggaamin madaxtinimo hayey sanooyin badan. Afar (4) sano wuxuu ahaa talie xigeenka Xoogga Dalka, shan (5) sano wuxuu ahaa taliyaha Xoogga Dalka, labaatan (20) sano wuxuu ahaa madaxweynaha Soomaaliya. Maxamed Siyaad Barre, wuxuu ummaddiisa u soo qabtay hawlaha horumarka leh kor ku xusan, ay ugu iftiin badan yihiin qoridda af soomaaliga iyo fidinta aqoonta. Misana shilin ugama tegin reerkiisa, dalal shisheeye ayey qaxooti ku yihiin, sida soomaalida kale. Waxaana isleeyahay, way adagtay in laga helo madaxda Afrika hufnaan heerkaas ah, amaba dunidoo dhan. Siiba kolka la tixgeliyo, muddada dheer uu soo shaqayey iyo jagooyinka sarsare uu maamuladii kala danbeyey ee dawlada Soomaliya ka soo qabtay. Arrimaha badan qoraalkan ku xusan, uu u qabta dadkiisa iyo dalkiisa dartood, ayaanna u siiyey sifada, ‘HALYEEY GEESIYA‘, inuu ahaa.
Mohamud Ghelle Yusuf.
Xiggasho: KasmoNewspaper.
Fiiro gaar ah qeybtaan hoose wa qeybtii koowaads qeybta sarena waa tii laabaad.
Maxamud Glle Yusuf iyo jawaabta waraysiga 40 guurada kacaanka.
Waxaan jeclahay inaan wax ka dhaho waraysiyada cinwaanka ku xusan aan dhegeystey, ay la yeesheen weriyeyaal ka tirsan hayado warfaafineed xubno ka tirsanaan jirey Golihii Sare Kacaanka (SRC), tobanka (10) ka nool qaar ka mida iyo xubno ka tirsanaa ururadii ka horjeedey maamulkii Kacaanka dawlada Soomaaliya, la dagaallamay loo aanayo iyaga iyo dalal shisheeye gacan saar la lahaa, dhaqan baxa ku dhacay maamulkaas bishii Jannaayo 1991kii.
Golihii Sare Kacaanka wuxuu ka koobnaa, shan iyo labaatan (25) xubnood, xubnahaas shan iyo toban (15), ka mid ahaayeen mudanayaal madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, madaxweyne ku xigeen Xuseen Kulmiye Afrax iyo Axmed Maxamuud Faarax way geeryoodeen, ALLAHA u naxariistee.
Waxaa ka nool xubnihii Golaha (SRC), toban (10) keliya, kala ah mudanayaal : 1) Maxamed Cali Samantar, Maxamed Cali Shire, Axmed Xasan Muuse, ku nool dalka Ameerika. 2) Mudanayaal Axmed Suleymaan Cabdalla, Cabdulqaadir X. Maxamed Xirsi, Cabdi Warsame Isaaq, Faarax Wacays Duule iyo Maxamuud Geelle Yuusuf jooga Yurub. Faarax Wacays, Faransa ayuu arrima shakhsiya u yimi, wuxuu ku noolyahay ka dhexeyaa magaalooyinka Jabuuti iyo Dirir-Dabe, sidu sheegay.
3) mudane Ismaaciil Cali Abokor, waxaa la sheegay inuu ku noolyahay magaalada Hargeysa. 4) Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle, wuxuu ku noolyahay dalka Sacuudiga.
Xogta sare ka dib, aan u dego ujeedada qoraalkan ah, waraysiga ay la yeesheen hayado warbaahineed, xubno ka mida Golihii Kacaanka (SRC). Xubnahaasi waxay yihiin mudanayaal, Maxamed Cali Samantar, Axmed Suleymaan Cabdalla, Cabdi Warsame Isaaq iyo Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Maxamed Faarax Jumacaale, ka mid ahaa hawlwadeenadii waxbarashada dawlada Soomaaliya.
Waxaa weriyihii codka Ameerika (V0A), Haaruun Macruuf, isku deyey inuu waraysto, mudanayaal Ismaaciil Cali Abokor iyo Cadulqaadir X. Maxamed, labaduba diidey inay barnaamijka waraysiga ka qaybgalaan.
Ismaaciil Cali Abokor, ayuu weriyuhu sheegay inuu ka xigtey, in curiyeyaasha Kacaanku u qaybsanaayeen: qaar fikradda lahaa, abaabulayaal iyo ka qaybgalayaal fulinta hawlgalkii Kacaanka. Waxaa la waraystay iyagana mudanayaal Dr. Xasan Cali Mire, Maxamed Abshir Welde (SSDF), Maxamed Xaashi Cilmi (SNM) iyo Prof. Galaguul (USC).
Hayadaha waraystay dadka sare waxay yihiin : Universal la sheegay in dad soomaaliyeed leeyihiin iyo codka Ameerika (VOA), Maraykan leeyahay. Sida la ogyahay hayad kasta warfaafineed, wadanka leh ayey danihiisa u adeegtaa, inkastay sidaas tahay mabda’ ahaan, misana waxaa jiri kara kuwo dalal shisheeye si dadban u adeegsadaan. Waxaa isna waraysi laga qaaday, wasiirkii kowaad (1964-1967) hore Soomaaliya, mudane Cabdirisaaq X. Xuseen, ku saabsanaa dilkii madaxweyne mudane Cabdirashiid Cali Sharma‘arke, 15kii Oktoobar 1969kii, isku waqti lagu beegay waraysiyada kale. Weydiinaha waxaa loo nisbeyey 40 guurada Kacaankii bisha Oktoobar 1969kii ka dhashay Soomaaliya.
Waraysiga la xiriira dilkii Abdirashiid Cali Sharma‘arke, barta hiiraanonline baa lagu duubay, inkasta weriye Haaruun ka hadlay. Kolka si fiican loo dhegeysto, waxaan isleeyahay si cad bay u fahamtey soomaalidu ujeeddada hayadaha waraysiga qaaday ka lahaayeen. Aminkaan tilmaamo saddexda waraysi sare ku xusan, Kacaankii lagaga hadlay labada hore (2), midka danbe dilkii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, La baahiyey (18, 19, 20 iyo 21)/10/2009kii Oktoobar.
Inkastaan qabo soomaaliyeey inaad garateen danta laga leeyahay, waxaan uga golleeyahay qoraalkan, inaan ujeedadooda isla garanno, si aan uga tabaabushaysanno isaga ilaalinno wax yeelladooda. Eeggaan taariikhda soomaaliyeed dib u eegno, iyadoo la yiraahdo tagtadu waa baraha nolosha. Waxaan xusuusanaynaa dhibaatada iyo colaadda, qarniyada badan shisheeyaha deriska la ah iyo kan doolka ah, dalal fog ka yimi ku wadeen Soomaaliya.
Waxaan tusaale u qaadanaa qarnigii shan iyo tobnaad XV, dhalashadii Nebi Ciise ka danbe, sanadku markuu ahaa 1499kii sahanno dalal kala duwan ku imanayeen Soomaaliya, iyagoo ku marmarsoonaya socdaallo ganacsi doona. Sida ninkii Portoqiiska ahaa Pero Diaz, Hindiya ka yimi kolkaas Portoqiisku
haystey, maraakiib ay leeyihiin marsada Mogadisho fadhidey.
Kolkay soomaalidu isku dayday inay qabato ka baxsaday, maa daama Portoqiisku hore eed uga galay soomaalida, isagoo duqayey magaalooyin ku yaalla xeebaha Soomaaliya. Sanadihii 1541-1543 ama qarnigii XVI, dhalashadii nebi Ciise ka gadaal, Abyssinia ay la dagaallantay soomaalidii uu hoggaaminayey Geesigii Imaam Axmed Gurey.
Markii soomaalidu kaga gacan saraysay dagaalkii, Abyssinia waxay warsatay gurmad ciidameed Bortoqiiska. Markaas ayaa dawlada Bortoqaal, uga dirtay raxan maraakiib dagaal joogtey magaalada Masawac, ciidan, hub badan iyo qalab dagaal casriya. Dagaalkaas ay soomaalida ku qaadeen, Bortoqiiska iyo Abyssinia wada jira, ayaa lagu diley hoggaamiyihii Geesiga ahaa Imaam Axmed Gurey. Sidaasaa weligeed shisheeye is-kaashaday, ula dirirayey Soomaaliya qarniya badan. Si dalkeeda loo qabsado loo qaybsado, diinteeda islaamka ah looga beddelo. Ilaa la soo gaarey qarniyadii sagaal iyo tobnaad XIX iyo labaatanaad XX, ay BBC-du ka baahisey barnaamij ay ku magacawday `Taariikh‘, ay kaga hadashay gabood falka lagu sameeyey soomaalida, kolkii gebigeed shan meelood loo qaybsaday.
Dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad waxaa soomaalida u kacay u hanaqaaday, Geesigii ahaa muftiga diineed, hoggaamiyaha ciidameed iyo abwaan sugaan iyo dhaqan, Seyid Maxamed Cabdulle Xasan.
Seyid Maxamed iyo soomaalidii la jirtey, waxay la dagaallameen isku mar Ingiriiska, Talyaaniga iyo Itoobiya, si ay uga xorayaan dadka iyo dalka soomaaliyeed ay gumeysanayeen, labaatan (20) sano ka badan.
Kolkii gobanimadoonka soomaaliyeed ciriiri weyn geliyey gumeystayaashii, ayaa dayuurada Ingiriisku lahaa duqayeen bam la dheceen, xaruntii Seyidka magaalada Taleex ku tiil, gobolka Sool ka tirsan.
Kolkay isugu tegeen saddexda dal kor ku tilmaaman iyo soomaalidii qaarkeed gumeystayaashu adeegsadeen, ayuu Seyid Maxamed soomaali Galbeed galay, umana suurtoobin inuu gumeysiga ka saaro dalka Soomaaliya, beledka Imey buu ku geeryoodey bishii Disember 1920kii Aallaha u naxariistee. Ka dib waxaa soo ifbaxay afartanaadkii qarnigii XX, ururadii siyaasadeed gobanima doonka ahaa SYL, SNL iyo kuwa kale gumeystayaashii la dagaallamay.
Shantii meelood soomaalida loo qaybshey, saddex baa xorowdey dhisatay Jamhuuriyadaha Soomaaliya 1960 iyo Jabuuti 1977kii. Waxay dawladahaasi ku abuurmeen, qorshe shisheeyihii gumeysan jirey ugu talagalay ahaa, inay soomaalidu dabajoog u noqoto, dalalkii haysan jirey iyo inayan marna dalka iyo dadka ka maqan qori ka daba tuurin.
Waxaa Soomaaliya loo soo min guuriyey, wax nidaam demoqaraadiya lagu sheegay dalal shisheeye laga keenay, iyadaan la tixgelin taariikhda, ilbaxnimada, hidaha, dhaqanka iyo dhismaha bulshada soomaaliyeed midna. Markaasna maamulkii dalku waa soconwaayey khalkhalay, ilaa la gaarey in sagaal (9) sano ka dib, la diley madaxweynihii dalka, mudane Cabdirashiid Cali Sharma‘arke 15 Oktoobar 1969kii. Kolkaas waxaa dhashay 21kii oktoobar 1969kii dilkii Cabdirashiid dabadi, Kacaankii uu hooggaaminayey `halyeygii geesiga‘ ahaa, jeneraal Maxamed Siyaad Barre.
Soomaalida qaarkeed hagratay, haddana mirihii hagardaamadeeda ka beermay ay guranayso waa soomaaldee, iyadoo labaatan sano ku dhowaad maamul taabbagal ah dalka loo dhisi kari waayey. Inkasta dadweynaha soomaaliyeed badidiisu si weyn siduu sheegay mudane Maxamed Faarax Jumcaale, ka mid ahaa dadka la waraystay, aqoonle hawlwadeenadii dawlada ka mid ahaa, aminkuu Kacaanku dhashay. Waxaase jirtey in qaar dana gaara ku qabey maamulkii Kacaanka ka horreyey iyo dawladihii shisheeye danahay Soomaaliya ka dhex fushanayeen ka joogsadeen, ayan soo dhoweyn dhalashadii Kacaanka.
Kooxada soomaalida ka horjeedey maamulka Kacaanka iyo dalalka shisheeye danuhu ka lumeen, baa ku heshiiyey inay maamulkii Kacaanka la dagaallamaan. Colaaddaas Soomaaliya lagu qaaday, shacabka soomaaliyeed iyo hoggaamintiisi, labaatan (20) sano ayey u babac dhigeen iska caabiyeen kuwii qaranka iyo maamulkiisa la dirirayey. Waxaa dhismay afar urur hubaysan fallaaga ah, dawlada Soomaaliya la diriray, laga bilaabo 1978kii ilaa 1990kii,
dalal shisheeye maal geliyeeen, kala ahaa SSDF, SNM, SPM iyo USC. Bishii Sebtembar 2009ka, ayaa seminaar lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, cinwaankiisu ahaa : tartanka reer Galbeedka iyo Shiinaha ugu jiraan batroolka Afrika. Waxaan kaga qayb galnay aqoon isweydaarsigaas afar soomaali ah : Prof. Shiikh Cabdi ah macallin wax ka dhiga dugsiyada Geneva, injieer Dr. Muuse Cabdullaahi, injineer Cabdullaahi Shiikh Cali iyo Maxamuud Geelle Yuusuf. Aminkii su’aala loo gudbey baan weydiinney, aqoonlihii seminaarka hagayey, isir afrikaan ka soo jeedey.
Deganaan la’aanta Soomaaliya ka jirta haddii loo nisbeyn karo, batroolka la sheego inuu ku jiro. Guddoomiyihii seminaarka wuxuu ku jawaabey : 1) Soomaaliya waa dalka keliya ee dunida shan (5) meelood loo qaybsaday; 2) sababtu waa goobta ay ku taal iyo ahamiyada istarateejiga ah ay leedahay ; 3) hadday Soomaaliya noqoto dawlad xoog leh, waxay curyaamin kartaa dunida. Af faransiis ayaa seminaarku ku socdey, wuxuu yidhi ereyadan: ‘la Somalie peut paralyser le monde‘, haddaan isku dayo inaan ingiriis u beddelo, ‘Somalia can paralyse the world‘. Beri dhoweyd baan la xiriiray, Cabdulqaadir Aadan Cabdulle Cusmaan, aan ka codsaday in la xafido xusuus qorradii, madaxweyne mudane Aadan Cabdulle Cusmaan Allaha u naxariistee, u dhaafay ummadda soomaaliyeed iyo in loo qoro. Jawaabtii Cabdulqaadir Aadan waa tan : ‘waxaad igula talisay inaan xafido, dhaxalka Oday Aadan uga tegey ummadda soomaaliyeed. Kuma tala jirno reer Aadan haddaan nahay, inaan hadda soo bandhigno, xusuus qorradii Oday Aadan Cabdulle, waqtigan ay soomaali kala daadsan tahay’.
Xusuus qorrada madaxweyne Aadan Cabdulle, dadka soomaaliyeed uga tegey, waxaa ka soo wareegey sanooyin badan, waxaana isleeyahay waxaa la qoray waqtigii gobanima doonka iyo qayb ka mida intii Jamhuuriyada Soomaaliya jirtey. Ilaa intuu Aadan Cabdulle xukunka Soomaaliya wax ka hayey, madaxweynaha ka ahaa ku ekaa bishii Luulyo 1967kii, sidaan filayo inkastaanan arag akhrin xusuus qorradaas. Inkasta sanooyin badan ka dambeeyeen, xusuus qorrada Oday Aadan Cabdulle, sida wiilkiisa curad Cabdulqaadir Aadan ugu yeeray aabbihiis. Misana reer Aadan Cabdulle, way uga tureen soomaalida inay xusuus qorradii madaxweyne Aadan Cabdulle u soo bandhigaan, waqtigan ay isku buuqsan tahay si ayan bulaan iyo muran hor leh ugu kordhin.
Aminkaan u laabto waraysiyadii, ugu horreynta waxaa habboonayd, in qof walba su’aalihii la weydiiyey iyo jawaabihii uu ka baxshey la wada bandhigo, si loo qiimeeyn karo waraysiga iyo jawaabaha laga baxshey.
La soco qaybta dambe...
Xiggasho Kasmonewspaper
London,uk
|