Nuruddin Farah interview at the Commonwealth Club of California, 2007
Suugaan by Yaasmiin Kaahiin.
The Rageh Omaar Report:From Minneapolis to Mogadishu.
Inside Story - Somaliland vs Somalia.
Daawo Hadal-kooban oo Jini Boqor Siiyey BBC-Somali Section.
Talk to Jazeera - Meles Zenawi.
Report From Somalia.
Somali Culture Festival Posters.
Waayihii Soomaaliya". Waa Buug Cusub.
SOMALI LINKS
Alhikma-Radio
Allgalgaduud
Alshahid
Aminarts
Badbaado
BBCSomali
Boocame
Calanka
CSMD
Dalka News
Dillapress
DJibouti-Centre
Garoweonline
Gedonet
Geeska-afrika
Goob-joog
Halgan
Hanoolaato
Hiiraan
Horn-Afrik
Horseed
Horyaal Software
Inside-Somalia
Jaallesiyaad
Kulanka
Laasqoray
Maankoris
Maaryaa
Magan-Tahir
Markacadeey
Minicab-london
Mogadishu-University
Mohameddiini
Nomad
NTA
Onkod
pulutin
Shabelle
SMC
Somalia24
Somalichannel
Somalieye
Somaliherald
Somalimirror
Somalistudentassociation
Somalitalk
Somaliweek
Somaliweyn
SOMTV
Somtvfilms
VOA
Wardheernews
NON SOMALI LINKS
Africafocus
Alhayat
Aljazeera
AllAfrica
Alquds
Amnesty
APA
Arabnews
Asharqul-Awsat
Daily-Nation
FPM
France24
HRW
ICG
NY-Times
Presstv
Reuters
Shabait
Sudantribune
The Gaurdian
UN
USATODAY
Walta
Washington-Post
WN
Share on Twitter
[ 2010-02-09]    Munaasabada lagu xusayay Sanadguurada 2-aad ee furitaankii Idaacada Markabley oo ka dhacdey degmada Baardheere ee gobolka Gedo. (Daawo Sawirada)
 
Sawir

Xaflad siweyn loo soo agaasimayay oo lagu maamuusayay sanad guurada 2-aad ee kasoo wareegtay furitaankii idaacada Markabley ayaa shalay galinkii danbe ka dhacday gudaha xarunta Idaacada Markabley ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
 
Munaasabadani oo ay ka soo qeyb galeen Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka,Xubno ka tirsan Maamulka Islaamiga degmada, Culumo Udiinka, Wakiilada Hay’adaha Samafalka wadaniga ah, Shirkadaha Ganacsiga, Ururada Haweenka iyo dhamaan qeybaha Bulshada ee kala gadisan.
 
Munaasabadani oo aheyd maalinta 06.02.2010 oo ku beegneyd furitaankii Idaacada Markabley oo 2 sano ay ka soo wareegtay ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Idaacada Markabley Axmed Cumar Saalixi, wuxuuna Agaasimaha ka warbixiyay wax qabadkii Idaacada mudada labada sano ah ee ay shaqeyneysay,horomarkii ay ku talabsatey mudadaasi iyo weliba sidoo kale caqabadihii ay Idaacada la kulantay amaba jilaafeeyay,Wuxuuna Saalixi amaan weyn u soo jeediyay Shirkada Isgaarsiinta ee Nation-Link oo Idaacada ka saacida dhinaca Korontada iyo deegaanka.
 
Agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in mudo 14 saacadood ay Idaacadu hawada ku jirto,isagoo tilmaamayna in waqtigaasi idaacadu ay ka baxaan Warar,Wareysiyo,barnaamijyo gaar ah,Casharo diini ah,Qadaro adeega bulshada iyo kuwo kale oo faa,ido u leh bulshada deegaanka .
 
Waxaana dhinaca kale uu soo hadal qaadey in Wariyayaasha wax ku bartey mudadaasi Idaacada in ay gaarayaan ilaa 32 ruux oo isugu jira 24 rag iyo 8gabdhood,kuwaasi oo maanta u shaqeeya qaar ka mid ah Warbaahinta dalka.
 
Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Maamulaha Shirkada Nation-Link ee Degmada Baardheere.Cabdi Daahir Colujoog wuxuuna xusay wax qabadka Idaacada isaga oo uga mahad celiyay in ay Idaacada ka haqabtirtay baahidii wareed dadka Reer Baardheere oo markii hore ku xirnaa halka waqti ee BBC-da,ayaa sidoo kale ka codsaday in ay Idaacada isgarab taagan dhamaan shirkadaha, iyo ganacsatada reer Baardheere, “anaga oo kali ah ma dabooli karno baahida Idaacada ayuu Cabdi yiri”
 
Mas,uuliyiintii kale gedisnaa ee ka Hadley Munaasabada ayaa waxay ku amaaneen Maamulka Idaacada Markabley iyo Wariyayaasha ka howlgala in ay dhabar adeeg ay u muujiyeen sidii Idaacada maalin iyo habeen ay ku shaqeyn lahayd,iyagoo juhdi badana ku bixiyey sidii dadweynaha ku dhaqan Baardheere iyo nawaaxigeeda looga qancin lahaa soo bandhigida iyo la socodka aqbaaradka aduunka iyo kuwa dalka .
 
Dhamaan xubnihii ka hadlay Munaasabadani ayaa muujiyay in ay Idaacada ugu mahad celiyeen sida ay u dabooshay baahida  warbaahineed ee deegaanka Baardheere iyo nawaaxigeeda, waxayna balan qaadeen in ay gacan siindoonaan Idaacada si ay u gudato Idaacada waajibaadkeeda Shaqo.
 
Cabdiqani Maxamed Bayow
Radio Markabley-Baardheere




 
Sawir
Sawir
Email : Mahiigaan82@gmail.com
Copy right © Mahiigaan News Online 2007- 2010 powered by Horyaal Software Solutions