Kooxo hubaysan oo isi soo qariyey ayaa xalay bam nuuca gacanta laga tuuro waxa ay ku weerareen guri uu degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ka deggan yahay sargaal katirsan ururka Xizbul Islaam.
Bam gacmeedka oo aan waxyeelo geysan ayaa lasheegay inuu ku dhacay guriga uu deganaan sargaalka katirsan ururka Xizbul Islaam, waxaana daryanka qaraxa si weyn looga maqlayey guud ahaan xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Markii qaraxu dhacay ayaa waxaa la maqlay tacshiirad xooggan oo u muuqatay inay is weydaarsanayeen kooxihii weerarka ku qaaday guriga iyo ilaalada sargaalka katirsan ururka Xizbul Islaam.
Madaxa Garsoorka maamulka degmada Afgooye ee ururka Xizbul Islaam Shiikh Cismaan Siidow ayaa talaabo fulaynimo ah waxa uu ku tilmaamay weerarka bam gamceedka ah ee lagu qaaday guriga sargaalka katirsan ururka Xizbul Islaam.
Shiikh Cismaan Siidow madaxa Garsoorka maamulka degmada Afghooye ayaa sheegay inay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyey weerarka, isagoona sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira arrintaas.
Dhawaan ayey aheyd markii qarax loo adeegsaday bam gacmeed lala beegsaday guri uu degmada Afgooye ka deggan yahay nin ganacsade ah kaas oo isna geysan wax khasaare ah.
Axmed Yare Xafiiska Wararka Mahiigaan Muqdisho Somalia. |