Maamulka Somaliland ayaa sii daayey tiro dad ah oo ciidamada maamulka Somaliland ay ka qabqabteen magaalada Laascaanood kadib howlgallo balaaran oo ay sameeyeen ciidamada maamulka Somaliland.
Sii deynta dadkaan ayaa waxaa xaqiijiyey wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland C/laahi Ismaaciil Cirro oo wareysi siiyey idaacadda BBC-dal Laanteeda afka Soomaaliga.
C/laahi Ismaaciil Ciro ayaa sheegay in dadka ay sii daayeen ay gaarayaan 55-qof oo uu sheegay inay ku eedaysanaayeen falalka amaan darrida ah ee kasocda magaalada Laascaanood, waxaana uu sheegay in lagu sameeyey baaritaano dheer.
"Wax dambi ah waa lagu waayey sidaas darteed waa la sii daayey, waxaa jira kuwa kale oo aan weli gacanta ku heyno" ayuu yiri C/laahi Ismaaciil Cirro wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland.
Mr. Cirro ayaa sheegay in amaanka magaalada Laascaanood uu xiligaan wanaagsan yahay, isagoona sheegay in ciidamada maamulka Somaliland ay sii wadi doonaan xaqiijinta amaanka magaalada Laascaanood.
Dadkaan uu sii daayey maamulka Somaliland ayaa qeyb ka ahaa dad fara badan oo ay ciidamada maamulka Somaliland ku xirxireen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kadib markii ay halkaas ka dheceen qarxyo is xigxigay oo lagu weeraray mas'uuliyiin katirsan maamulka Somaliland.
Axmed Yare Xafiiska Wararka Mahiigaan Muqdisho Somalia. |